Taliska Booliiska Puntland ee gobolka Sanaag ayaa war ka soo saaray dhacdadii shalay deegaanka Ceelbuh lagu dilay Oday dhaqameed Cumar Cabdillaahi , kadib markii duqeyn lala beegsaday gaarigiisii.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah ay bilaabeen, isla markaana la xaqiijiyay in odaygu uu keligiis saarnaa gaariga markii saddex gantaal lagu dhuftay, taas oo sababtay in baabuurka gebi ahaan gubto, meydkiisana laga helo kaliya lafihii ka haray.
Taliska ayaa intaas ku daray in weli aan la ogeyn cidda ka dambeysa weerarka iyo sababta rasmiga ah ee keentay, balse ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo xaqiiqda dhabta ah. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeynta, taas oo ahayd tii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda deegaanka Ceelbuh.