Dowladda Itoobiya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay warqad rasmi ah oo ay Eritrea ku eedeysay inay ciidamo u soo gudbisay gudaha dhulka Itoobiya, isla markaana ay qabsatay qaybo ka mid ah waqooyiga dalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa warqadda ku sheegay in dalkiisu xaq u leeyahay inuu is-difaaco, isaga oo tixraacay Qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo aqoonsanaya xaqa is-difaaca marka dal la weeraro.
Warqadda ay Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Eritrea, oo ay ku jiraan cutubyo wata gaadiid gaashaaman, ay toddobaadyadii la soo dhaafay gudaha u galeen dhulka Itoobiya. Addis Ababa waxay sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto, hubeyso oo maalgeliso kooxo hubeysan oo ka dagaallamaya gudaha Itoobiya. Dowladda Itoobiya waxay dalbatay in ciidamada Eritrea laga saaro dhulkeeda. Si kastaba ha ahaatee, wararka ay baahisay Associated Press waxay sheegayaan in eedeymahan aan si madax-bannaan loo xaqiijin, isla markaana warqaddu aysan si faahfaahsan u magacaabin deegaannada la sheegay in la qabsaday.
Dhanka kale, Eritrea waxay Itoobiya ku eedeysay inay waddo tallaabooyin dagaal hurinaya, gaar ahaan dadaalkeeda ku aaddan helitaanka marin madax-bannaan oo Badda Cas ah. Xiisadda labada dal ayaa sii xoogeysatay kaddib markii xiriirkooda diblomaasiyadeed uu xumaaday, iyadoo dagaallada dib uga soo cusboonaaday gobolka Tigray ay sii kordhiyeen walaaca laga qabo isku dhac ballaaran. Qaramada Midoobay ayaa 10-ka Oktoobar ku baaqday in dhammaan dhinacyadu si degdeg ah u joojiyaan colaadaha, dibna ugu laabtaan wada-hadalka si looga hortago in xaaladdu ku faafto Geeska Afrika.