Jubaland ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dagaalkii ka dhacay Raskamboni, halkaas oo ciidamada SNA ay guuldarro kala kulmeen ciidanka Jubaland. Sida ay sheegtay maamulka Jubaland, ciidamada SNA ayaa ku qasbanaaday inay isku dhiibaan Maamulkaas kadib markii ay la kulmeen weerar xooggan, waxaana qaar ka mid ah askartii Dowlada Soomaaliya isku dhiibeen Ciidanka Difaaca ee Kenya (KDF) ee qayb ka ah hawlgalka ATMIS balse ma jiro war rasmi ah oo kenya arinkaas ku xaqiijisay.
Jubaland waxay ku eedeysay dowladda Federaalka inay isku dayeyso in ay si xoog ah u maamusho jubaland arimaheeda gudaha sida doorashooyinka waxayna taasi keentay in Ciidamada Dowlada dhexe loo daabulo deegaanadaas si ay ula dagaalamaan Jubaland
Jubaland ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada Jubaland ay sii wadi doonaan difaaca gobolkooda, iyaga oo weli diyaar u ah inay ka hortagaan faragelinta Dowladda Federaalka.
Somali connect
News Desk – Somalia
info@somaliconnect.so