Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar, ayaa sheegay in xilka laga qaaday kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala aragti duwanaaday xalinta tabashooyinka reer Hiiraan. Waxa uu tilmaamay in tabashooyinkaasi ay salka ku hayaan dhismaha maamulka HirShabeelle, gaar ahaan caasimadda maamulka oo markii hore loo qorsheeyay Buuloburde balse lagu heshiiyay in ay noqoto Jowhar.
Cabdirisaaq ayaa ku baaqay in xal waara laga gaaro tabashooyinka Hiiraan iyada oo beelaha HirShabeelle laga dhex wado dib-u-heshiisiin qoto dheer. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka uu taageeray xil ka qaadistiisa, taasoo uu ku micneeyay in ay qeyb ka ahayd cadaadis siyaasadeed oo uga yimid madaxda dowladda dhexe.
Somaliconnect.so
info@somaliconnect.so