Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland ayaa soo saartay war rasmi ah oo la xiriira hab-raaca warbaahinta ee ku aaddan howlgalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalamaya Buuraha Calmiskaad.
Qoraalka wasaaradda oo ku taariikheysan 1-da Febraayo 2025, ayaa lagu xusay in warbaahinta ay waajib ku tahay inay dhowraan xeerarka iyo nidaamiyada la xiriira xog-helidda iyo baahinta macluumaadka la xiriira howlgalkaas. War-saxaafadeedka ayaa xusay dhowr qodob oo muhiim ah:
- Wariyeyaasha looma oggolaan karo inay tagaan furimaha dagaalka iyagoo aan haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Wasaaradda Warfaafinta.
- Goobaha howl-gallada lama tegi karo haddii aan oggolaansho looga helin hay’adaha ay quseyso.
- Xogta la xiriirta howlgalka lama baahin karo haddii aysan ka imaanin ilo rasmi ah oo dowladda ay u xil-saartay.
- Xiriir toos ah lama yeelan karo kooxaha dagaalka kula jira dowladda ee ku sugan Buuraha Calmiskaad.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu dambeyn xustay in dhammaan warbaahinta Puntland iyo kuwa kale ee ka hawlgala gobolka looga baahan yahay inay u hoggaansamaan qodobbadan, si loo sugo badqabka wariyeyaasha iyo xaqiijinta xogta saxda ah ee la baahinayo.