Caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa maanta gogol dhigtay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Carabta, si ay uga arrinsadaan weerarkii todobaadkii hore Israa’iil ka fulisay magaaladaasi.
Shirka, oo si weyn isha loogu wada hayo, ayaa lagu wadaa in si wadajir ah loogu cambaareeyo weerarkaasi, isla markaana looga soo saaro go’aan mideysan oo adkaynaya mowqifka dalalka Islaamka haddii mar kale weerarro noocaas ah dhacaan.
Soomaaliya ayaa door muuqda ka qaadanaysa kulankan, iyadoo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaaminayo wafdiga qaranka. Dowladda Soomaaliya horey ayay u cambaareysay weerarkii Israa’iil, waxayna si cad u muujisay garab istaag buuxa oo ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qadar.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu shirka socdo kulamo gaar ah la yeelan doona madaxda Qadar, mas’uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee dunida Islaamka, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo mideynta mowqifka Muslimiinta.
Ka qeybgalka firfircoon ee Soomaaliya ee shirka Dooxa wuxuu caddeyn u yahay in dalku door muhiim ah ku leeyahay mideynta mowqifka Carabta iyo Islaamka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu codkiisa ka dhex maqlo goobaha go’aannada culus lagu gaadho.
Shirka Dooxa ayaa loo arkaa mid kaalin weyn ka qaadan doona isku duwidda mowqifka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee dunida Islaamka, iyadoo Soomaaliya ay halkaas ku muujisay kaalinteeda iyo taageerada ay u hayso difaaca Qadar iyo ilaalinta danaha guud ee Muslimiinta.