Muddo ka badan bil, ciidamada Puntland ayaa waday howlgal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, kuwaas oo ku dhuumanaya Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Howlgalka oo lagu sugayo amniga deegaanadaas, ayaa Puntland ka fulisay dagaallo dhulka ah, halka saaxiibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka, ay taageero ka geysteen duqeymo cirka ah sida lagu sheegay war ay soo saartay Madaxtooyada PL.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa 1-dii Febraayo 2025 duqeymo la beegsaday saldhigyada Daacish. Sida ay sheegeen, duqeyntii ugu dambeysay ayaa lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa ISIS. Ciidamada Puntland ayaa guulo la taaban karo ka gaaray wejigii hore ee howlgalka dhulka ah, waxaana hadda la guda galay wejiga labaad oo lagu ciribtirayo Daacish si loo sugo amniga gobolka.
Dowladda Puntland ayaa mar kale ku adkeystay go’aankeeda ah in kooxaha argagixisada laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuumaleysanayaan, iyadoo uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageeradooda joogtada ah.
Somaliconnect – News DeskÂ