Puntland ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ardayda jaamacadaha ka soo baxay ee deegaanadeeda fursad ugu siineyso inay noqdaan saraakiil booliis. In ka badan 500 oo dhalinyaro ah oo rag iyo dumar isugu jira, lagana soo xulay gobollada Puntland, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha booliiska, iyagoo ku biiraya tababar ciidan oo lagu qaban doono Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee degmada Carmo.
Gudiga qorista iyo xulista ciidanka booliiska Puntland ayaa u sheegay dhalinyarada nasiibka u yeeshay fursadan inay si rasmi ah ugu soo xaroodaan Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee Carmo, si tababarka sarkaalnimada looga bilaabo bisha Janaayo ee sanadka cusub. Tababarkan oo socon doona muddo 3 bilood ah ayaa la sheegay in dhalinyarada mushahar qayb ah la siin doono inta tababarka uu socdo, inkastoo aan si rasmi ah loo cadeyn cidda bixin doonta mushaharka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la hadal hayaa in Dowladda Imaaraadka Carabta ay qorshahan taageereyso, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo agabka iyadoo horey Imaaraadka u taageerayay qorshaha ciidanka Badda Puntland ee PMPF .
Ardayda qaarkood, kadib marka ay dhammeeyaan tababarkan, waxaa la filayaa inay helaan tababaro dheeraad ah oo sare. Puntland ayaa dadaalkan ugu talagashay inay ku dhisto ciidamo booliis oo xirfad sare leh oo ka qeyb qaata amniga iyo nabadeynta deegaanada maamulka.
Somaliconnect – News DeskÂ