Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu 13-kii Sebteembar 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyey deegaanka ku dhow magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, taas oo ay sheegeen inay ku beegsadeen nin hub iibiya oo ka tirsan Al-Shabaab.
War qoraal ah oo AFRICOM soo saaray ayaa lagu sheegay in duqeyntu ay ku timid iskaashi ay la sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay qayb ka tahay howlaha lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka iyo saraakiil ka tirsan Puntland ayaa xaqiijiyey in duqeynta ay sababtay dhimashada caaqil dhaqameed caan ka ahaa gobolka, taas oo dhalisay caro iyo muran xooggan.
Mareykanka ayaa sheegay inuusan shaacin faahfaahin ku saabsan cutubyada iyo qalabka ay adeegsadeen sababo la xiriira amniga hawlgallada, balse dhacdadan ayaa si weyn uga dhex dhalisay su’aalo iyo dareen celin ku saabsan sida loo beegsaday.