Allaha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa maanta lagu aasay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, kadib markii maydkiisa la keenay Soomaaliya oo laga soo qaaday dalka Turkiga.
Maydka marxuumka ayaa diyaaradii ka soo qaaday Turkiga waxay saaka soo gaarsiisay magaalada Muqdisho. Waxaa halkaas lagu tukaday salaadda janaasadda oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda, xubno ka socda labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil ciidan, iyo dadweyne badan oo isugu yimid inay u duceeyaan.
Markii salaadda lagu tukaday Muqdisho, maydka marxuumka ayaa diyaaraddii labaad loogu qaaday magaalada Gaalkacyo. Halkaas waxaa ku sugnaa ehelka, asxaabta, iyo dadweynaha deegaanka oo si weyn uga qeyb galay aaska oo si rasmi ah uga dhacay xabaalaha magaalada.
Senator Gaagaab, oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya, wuxuu ka soo shaqeeyay horumarinta sharciyada dalka iyo matalaadda bulshada. Wuxuu ku geeriyooday 3-dii December dalka Turkiga isagoo halkaas u joogay xaalad caafimaad.
Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray qoyskiisa iyo ehelladiisa, iyagoo xusay doorkiisii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa siyaasadda iyo dowladnimada Soomaaliya.