Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa duqeymo cirka ah la beegsaday kooxda ISIS-Soomaaliya sida lagu sheegay War ka soo baxay Taliska, weerarka ayaa gaar ahaan lagu qaaday Buuraha Golis, taariikhdu markay ahayd 1-da Febraayo 2025. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay howlgalka, isagoo sheegay in duqeymuhu “burburiyeen godadkii ay ku dhuumanayeen argagixisada, isla markaana la dilay tiro badan oo ka tirsan kooxda, iyadoon waxyeello loo geysan dadka rayidka ah.”
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in weerarku uu wiiqayo awoodda ISIS-Somalia ee fulinta weerarro halis ku ah Mareykanka, xulafadiisa, iyo shacabka. “Tani waa fariin cad oo muujineysa in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu bartilmaameedsado cadowgiisa meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri.
Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsaday in magaciisa aan la shaacin, ayaa soo dhoweeyay duqeymaha, isagoo yiri: “Soomaaliya ma noqon karto meel ammaan u ah argagixisada.” Wuxuu intaas ku daray in weli la qiimeynayo saameynta weerarka.
Mareykanka ayaa sanado badan duqeymo ka fulinayay gudaha Soomaaliya, isagoo la beegsaday kooxaha argagixisada. Sanadkii 2024, Mareykanka ayaa duqeyn kale ku dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa ISIS-Somalia.
Somaliconnect-News DeskÂ