Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu maanta ka jeediyay salaaddii Jimcaha ee Masjidka Madaxtooyada si kulul u weeraray Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu u arko dowladda federaalka mid ka cadow badan Al-Shabaab, isagoo sheegay inuusan u heellaneyn dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inaysan aqbali karin in hal qof uu maamulo deegaan muddo 18 sano ah. Waxa uu xusay in dowladda federaalka ay rabto qorshe doorasho mideysan oo dalka oo dhan ka hirgasha, halka uu ku tilmaamay qorsheyaasha Axmed Madoobe inay khaldan yihiin.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu ka soo horjeeday dagaalladii ay dowladda federaalka ku qaaday Al-Shabaab ee lagu howlgeliyay dadka deegaanka gobollada dhexe. Waxa uu ku tilmaamay arrintan inay tahay mid caqabad ku ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo amniga qaranka.
Eedeyntan ayaa muujineysa xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, xilli dalka uu la tacaalayo khilaafaadka siyaasadeed iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.