Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara. Kulankan ayaa ah bilowga wada-hadallo dhexmari doona Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan arrimaha Somaliland iyo heshiisyada Itoobiya la gashay.
Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo wafdigiisa, oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal, ayaa si weyn u muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Kulankan waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay, maadaama uu yahay tallaabo hore oo ay Soomaaliya ka qaadday ilaalinta dantaheeda iyo xoojinta xiriirka dowladnimada.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna ku sugan dalka turkey-ga halkaas oo uu tagay ka qeybgalka shirka dhexdhexaadinta ee labada dal oo saaxiib dhow la ah Ankara waxaana filashadu tahay inay ka wada hadlaan xaalada oo weli aan salka dhigan tan iyo intii ka danbeysay heshiiskii isafgarad ee Itoobiya iyo Maamulka somaliland ee doonaya inuu soomaaliya inteeda kale ka go’o.
Turkey waxaa uu ka mid yahay dalalka taageerada balaaran siiya dalka Soomaaliya gaar ahaan tababarida ciidamada iyo sidoo kale taageerida dowlada Soomaaliya taas oo soo soctay tan iyo xilli Madaxweynihii Dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed.
Somali Connect
News Desk – Soomaaliya
info@somaliconnect.so