Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn culus dusha ka saartay Dowladda Itoobiya, oo ay ku eedeysay inay si toos ah ugu lug leedahay faragelin ka dhan ah nabadda iyo xasiloonida gobolka Gedo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah ay maanta ka soo dhaqaaqeen degmada Doolow iyagoo isku dayay inay galaan Buulo Xaawo. Hase yeeshee, isku daygan waxaa hor istaagay ciidamada Qalabka Sida iyo dadka deegaanka, kuwaas oo si wadajir ah u diiday in ciidamadaasi galaan gudaha deegaanka.
Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Itoobiya inay sii hurineyso kala-qeybsanaanta beelaha ku nool gobolka Gedo iyo inay wado tallaabooyin liddi ku ah madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. Dowladda ayaa ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, inay cambaareeyaan faragelintan iyo in laga hortago tallaabo kasta oo dhaawaceysa nabadda gobolka iyo wadajirka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay difaaca madaxbanaanida iyo qarannimada dalka, iyada oo ku baaqday in la taageero dadaallada nabadda ee gobolka.