Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Wakiilka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Danjire James Swan. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dowladda iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada xasilloonida, maamul-wanaagga, iyo horumarka.
Labada dhinac ayaa isla falanqeeyay muhiimadda taageerada caalamiga ah ee joogtada ah si loo xoojiyo hay’adaha dowliga ah, kor loogu qaado dhismaha awoodda hay’adaha qaranka, loo adkeeyo xasilloonida, loona horumariyo dadaallada kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.