Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa soo dhoweysay heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Itoobiya gaareen, kaas oo la xiriira xalinta khilaafaadka labada dhinac. Imaaraadka ayaa muujiyay rajo ah in heshiiskan uu dhiirrigelin doono wadahadalada, xasilloonida, iyo iskaashiga ku aaddan horumarinta Geeska Afrika.
Warsaxaafadeedka Imaaraadka ayaa lagu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Turkiga uu ku lahaa dhexdhexaadinta. Waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu si xooggan uga shaqeeyay fududeynta wadaxaajoodyada si heshiiska loo gaaro. Imaaraadka ayaa ku ammaanay Turkiga inuu xoojiyay dedaalada nabadeed ee gobolka.
Waxa kale oo Imaaraadku xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimada iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya. Warsaxaafadeedka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka la xalliyo si nabad ah, taas oo horseedi karta nabad iyo horumar waara.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskan uu dhiirrigelin doono iskaashi dhaqaale iyo xiriir bulsho oo ku saleysan is-aaminaad iyo horumar labada dal u ah faa’iido. Imaaraadku wuxuu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo wada noolaanshaha Gobolka Geeska Afrika.