Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkii toddobaadlaha ahaa, iyagoo diiradda saaray weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Raaskambooni, kaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Axmed Madoobe.
Goluhu waxa uu guddi gaar ah u magacaabay baaritaan lagu sameynayo nooca xiriirka ka dhexeeya Axmed Madoobe iyo kooxaha hubeysan ee gobolka ka howlgala. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf (Al-Cadaala), ayaa shir jaraa’id ku sheegay in golaha ay si adag u cambaareeyeen tallaabada uu Axmed Madoobe ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka, taasoo ay ku tilmaameen ficil mas’uuliyad darro ah oo u baahan isla xisaabtan dhab ah.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka uu noqon doono mid hufan, iyagoo ka digay in falalka noocaan oo kale ah ay keenaan cawaaqib halis ah oo dhaawac ku noqon kara wadajirka dowladnimada iyo amniga guud ee dalka.
Somali connect
News Desk – Soomaaliya
info@somaliconnect.soÂ