Duqayn ka dhacday banaanka deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ayaa lagu dilay oday dhaqameed Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo ka mid ahaa odayaasha deegaanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqaynta lala beegsaday gaarigii uu watay odaygu, iyadoo saddex gantaal lagu dhuftay baabuurkaas. Ehelkiisa ayaa xaqiijiyey in Cumar uu ku geeriyooday halkaas, isla markaana aanu cid kale la socon.
Walaalkiis, Cali Cabdillaahi Cabdi, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in gaariga gebi ahaanba gubtay oo burburay, islamarkaana kaliya lafihii odayga laga helay goobta. Wuxuu intaas ku daray in Cumar uusan waligiis xiriir la lahayn kooxaha la raadinayo, ayna qoyskiisu weli ku sugan yihiin goobta duqaynta, iyagoo sugaya baaritaan rasmi ah oo xaqiijiya dhacdada.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Puntland ama dowladda federaalka oo ku saabsan dhacdadan culus. Ehelka iyo dadka deegaanka ayaa dalbanaya in si cad loo shaaciyo sababta weerarka iyo cidda ka dambeysay, maadaama ay tani tahay duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag.