Duulimaadyada gobollada Soomaaliya ayaa maanta hakad galay ka dib markii shirkadaha diyaaradaha ee gudaha ay diideen inay qaadaan ciidamada dowladda. Didmadan ayaa salka ku haysay digniino ka soo baxay maamulka Jubbaland, oo uga digay shirkadaha inay ciidamo u daabulaan Raaskaanbooni. Jubbaland ayaa sheegtay in duulimaadyadaas ay la kulmi doonaan cawaaqib culus, iyadoo ku adkeysatay in xaaladda deegaanku ay tahay mid halis ah oo aan ammaan u ahayn daabulidda ciidamada.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay xaaladdan, iyadoo digniin adag siisay shirkadaha diyaaradaha, kuna wargelisay in diyaaraddii aan u hoggaansamin awaamiirteeda laga joojin doono ruqsadda iyo sharciga ay ku shaqeeyaan gudaha dalka.
Ka dib wada-hadallo la galay, dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha diyaaradaha gudaha ayaa heshiis ku gaaray in laga bilaabo berrito oo Sabti ah, shirkadaha diyaaradaha ay bilaabaan daabulidda ciidamada, iyagoo qorsheeyay afar duulimaad oo cusub si ciidamo loo geeyo Raaskaanbooni ee Jubbaland. Maalmaha soo socda, waxaa qorshuhu yahay in guud ahaan 20 duulimaad oo ciidan ah la dejiyo magaaladaas.
Kharashka duulimaadyadan oo dhan waxaa si wadajir ah u bixinaya Ururka Shirkadaha Diyaaradaha ee Soomaaliya. Inkastoo heshiis la gaaray, haddana xiisaddu weli way taagan tahay, iyadoo maamulka Jubbaland uu wali ku adkeysanayo digniinaha uu ka soo saaray imaanshaha Raaskaanbooni.