Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyada gudaha ee ka baxaya Muqdisho, kuwaas oo u socday maamul goboleedyada. Go’aankan ayaa yimid kadib markii shirkadaha diyaaradaha ay diideen in ay qaadaan ciidamada milateriga ee loo diray Raaskambooni, iyagoo sheegay inay ka walwalsan yihiin amniga garoonka deegaankaas. rakaab aad u badan ayaa ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho.
Hadafka dowladda ayaa ka dambeysa xiisadda sii kordheysa ee ka dhex taagan shirkadaha diyaaradaha iyo dowladda, kuwaas oo ka cabsi qaba hanjabaado ay Jubaland u dirtay hadii shirkadahan ay diyaaradahooda u diraan raaskambooni. Si cadaadis loogu saaro shirkadaha diyaaradaha, dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in la joojiyo duulimaadyada dhammaan gobollada koonfureed illaa iyo ogeysiis dambe.
Maamulka Jubbaland ayaa dhowaan mamnuucay duulimaadyada ku degaya Raaskambooni iyagoo ku doodaya inay talaabo ka qaadi doonan waxayna arinkan salka ku haysaa xiisada u dhaxeysa Jubaland iyo dowlada dhexe oo ka dhalatay doorashadii Axmed Madoobe ee hogaaminta Jubaland taas oo DF ay diiday.
Dowlada Federaalka ayaa ogolaatay laba duulimaad oo u tagay Puntland, midkoodna wuxuu saarnaa maydka senator gaagaab. Xaaladda ayaa weli aan xal loo helin iyadoo rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha ay ku jiraan xiisad.