Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda kala baxeen deegaanka Raaskambooni, iyadoo caawa si rasmi ah la wareegay ciidamo ka amar qaata Axmed Madoobe. Tallaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii Dowlada dhexe iyo jubaland isku khilaafeen nidaamka doorashada dalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda Qaranka loo amray inay ka baxaan Raaskambooni si looga hortago khatar dheeri ah, iyadoo dowladdu xaqiijisay in uu yahay waajibkooda in ay ilaaliso amniga shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, dowladda ayaa ku tilmaantay Madoobe inuu yahay “eedeysane,” taas oo muujineysa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.
Ciidamada Jubbaland ayaa xaqiijiyay in ay si buuxda ula wareegeen Raaskambooni, taasoo ka dhigan in is-hor-fadhi ka jiray deegaankaas la soo gabagabeeyay. Tani waxay keentay in xaaladda amni iyo siyaasadeed Dowlada dhexe iyo Axmed Madoobe la soo gabagabeeyay.
ma cada talaabada xigta ee ay dowlada federaalka qaadi doonto ka dib ka bixitaankeeda deegaankaas.
Somali Connect